Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ee Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka

516

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa sidoo kale ka soo qeyb galay dhamaan Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Islaamka.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa gaar ah la  yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Xaafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF  Kristalina_Georgieva.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo saamaynta dhaqaale ee xanuunka  safmarka ah ee Covid-19.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa sheegay in dadaalada mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda  iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ay Soomaaliya u fureen albaabada caalamka iyo garab istaagga Hey’adda Maaliyadda Adduunka ee Soomaaliya.