Mursal oo la kulmay Laftagaren

889

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulanka oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay kala aragti duwaanaan siyaasadeed oo waayahaan ka dhex jirtay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.