Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga dalka Talyaaniga, Guerrini Lorenzo, ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho. waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo uu hor kacayo wasiirka difaaca, Xasan Xuseen Xaaji iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka.
Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la qaadan doonaa dhigiisa Soomaaliya, saraakiisha ciidanka xoogga iyo masuuliyiinta ee Xukuumadda Federaalka.