Muqdisho – Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ka hadashay kulankii horudhaca ahaa ee ay maanta Teendhada Afisooyini ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaeray ku sheegay in uu la socdo kulanka horudhaca u ahaa shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ka qabsoomo.
“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob jog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka”. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Xaafiiska Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay waxaa ay ugu yeertay ” kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah in la qabto”.
“Qaramada Midoobay waxa ay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September”. Ayaa lagu xusay qoraalka ka soo baxay Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Warkaan ka soo baxay Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo uu shalay Madaxweyne Farmaajo uu gudoomiyay kulan horudhaca u ah shirka la qorsheeyay inuu Teendhada Afisooyini ee gudaha Airportka ka dhaco. Shirkaan waxa aan imaan Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland.