Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi

692

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, ee dalka Kenya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, ayaa door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan lagu xasuusataa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos u dhigi doono Calanka Jamhuuriyadda si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabay guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Allaha u naxariistee ,Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu muddo toddobaad ah ku xanuunsanayay magaalada Nairobi ee uu xlaay ku geeriyooday Marxuumku.