Shirkii R/Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo heshiis laga soo saaray

792

Shirkii uga socday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Musharaxiinta oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo is afgarad iyo heshiis laga gaaray.

Halkaan akhriso War-Saxaafadeedka laga soo saaray:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Febraayo, 2021 waxaa shir isugu yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharaxiinta.

Wada xaajood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay qodobbada soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.

2. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu
<span;>muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.

3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib loo dhigo Mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.

5. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wada jir ah.

6. Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.