R/ Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo shir uga socdo Muqdusho

624

Muqdisho – Waxaa Shir uga socda Hotel Decale ee magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Musharaxiinta oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha la isku khilaafkasan yahay ee Doorashooyinka.  Waxa shirka si gaar ah diirada loogu saarayaa  bannaanbaxa ay horey u qorsheeyeen inuu magaalada ka dhaca ee ka dhanka ah dowladda.

Midowga Musharaxiinta ayaa doonaya in dowladdu ay raali gelin ka bixiyaan dhacdadii iyo weerarkii ka dhacay daljirka Daahsoon oo Hoteel u dhawaa ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa in Musharaxiinta ay joojiyaan Mudaharaadyo ay shaaciyeen.

Waxaa la filaa in shirkaan marka uu soo gabagaboobo qodobo laga soo saaro.