Waxaa guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Nederland loo doortay garsoore u dhashay Maraykanka oo lagu magacaabo Joan E Donughue, halka ku xigeenkiisa loo doortay garsoore u dhashay Ruushka oo lagu magacaabo Krill Gevorgian.
Muddo xileedka labada garsoore ayaa noqonaya muddo saddex sano. Garsoorryaashaan ayaa baddalaya Garsoore Cabdulqawi oo madax u ahaa maxkamadda ICC iyo ku xigeenkiisii hore.
Labada garsoore ee loo doortay jagooyinka ugu sarreeya ee maxkamadda ayaa xubin ka ka kala ahaa ilaa iyo 9 September 2009, halka kan kelena uu xubin ka ahaa ilaa 6 Febraayo 2015.
Magacaabistooda ayaa kusoo aadeysa iyada oo 15-19 bisha Maarso ay maxkamadda caddaaladda dhageysan doonto dacwo dhanka badda ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Keenya.
Doorasho ka dhacday goleyaasha ammaanka iyo kan loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 12kii bishii November ayaa lagu doortay xubnaha maxkamadda maadaama 6daa bisha Febraayo ee sanadkaan uu dhacayay waqtigooda.
Waa kuwaan xubnaha maxkamaddu ka koobantahay iyo dalalkooda
Guddoomiyaha maxkamadda: Joan E Donoghue, u dhashay Maraykan.
Guddoomiye ku xigeen: Kiriil Gevorgian, u dhashay Ruushka
Garsoore: Peter Tomka, u dhashay Slovakia
Garsoore: Ronny Abraham, u dhashay Faransiiska.
Garsoore:Mohamed Benouna , u dhashay Marooko
Garsoore:Antonio Augusto Cancado Trindade, u dhashay Brazil.
Garsoore:Abdulqawi Ahmed Yusuf, u dhashay Soomaaliya.
Garsoore:Xue Hanqin, u dhashay Shiinaha
Garsoore: Julia Sebutine, u dhalatay Ugandha.
Garsoore: Dalveer Bhandari u dhashay Hindiya.
Garsoore: Patrick Lipton Robinson , u dhashay Jamayka.
Garsoore: James Richard Crawford, u dhashay Australia.
Garsoore: Nawaf Salam , u dhashay Lubnaan.
Garsoore: Iwasawa Yuji u dhashay Japan
Garsoore: George Nolte, u dhashay Jarmalka.