Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb

488

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa inuu ka furmo shirka wada-tashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Shirkaan ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha Doorashooyinka ee uu muranka wayn ka taagan yahay.