Mareykanka iyo Taalibaan oo gaaray heshiis

772
Heshiiska Mareykanka iyo Taalibaan ay magaalada Doha ee dalka Qatar kula saxiixdeen ayaa soo afjaraya 18 sano oo dagaal ka socday Afghanistan. Sawirka: AFP.

Mareykanka iyo Taalibaan ayaa kala saxiixday heshiis waddada loogu xaarayo nabadda Afghanistaan kaddib 18 sano oo dagaal uu dalkaas ka socday.

Maraykanka iyo xulafadiisa Nato ayaa isku raacay in ay dhammaan ciidankooda kala baxaan Afghanistaan 14 bil gudahood haddii ay kooxda Taalibaan ixtiraamto heshiiska.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo hoggaamiyaal ka tirsan Taalibaan ayaa goobjoob ka ahaa xafladda lagu saxiixay heshiiska.

Wadahadallo u dhxaeeya Taalibaan iyo dowladda Afghanistaan ayaa lagu wadaa in ay ku xigaan heshiiska.

Sida uu qabo heshiiska Taalibaan ayaa Al-Qaacidda iyo kooxaha kale u ogolaan doonin in ay ka hawlgalaan deegaanadooda.

Heshiiska waxaa saxiixay ergyaga Mareykanka ee Afghanistaan Zalmay Khalil Zad iyo madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Mullah Abdulghani Baradar.

Mike Pompeo ayaa sheegay in  uu rajeynayo in Taalibaan ay ballanta ilaalin doonaan oo xiriirka u jari doonaan Al-Qaacidda.

Madaxa siyaasadda Taalibaan Mullah Abdulghani Baradaar ayaa sheegay  in Afghanistaan ay ka soo bixi doonto afartan sano oo colaad ah. Bixitaanka ciidanka shisheeye ayuu sheegay in ay dalka Afghanistaan u horseedi doonto barwaaqo  dowlad sharciga islaamka ku dhaqantana ay taabbagali doonto.

Heshiiska Mareykanka iyo Taalibaan ay kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa haddii uu dhaqangalo waxa uu soo afjarayaa 18 sano oo uu dagaalka uu ka socday dalka Afganistan.

Mareykanka iyo Taalibaan ayaa waxaa u socday lab sano oo wadahadal ah oo ka socday dalka Qadar.