Sucuudiga oo dalalka cudurka Carona laga helay ka joojisay hawlaha Xajka

861

Dowladda Sucuudiga ayaa si kumeel gaar ha u hakisay in ay dalkeeda soo galaan dadka ka imaanaya dalalka uu cudurka Carona saameeyay ee doonaya in ay gutaan xajka iyo cumrada ama ay booqdaan masjidka nabiga (NNK) ee Madina.

Waxaa sidoo kale la hakiyay dalxiisayaasha ka imaanaya dalalka cudurka laga helay sida ay soo jeediyeen khubarada caafimaadka Sucuudiga.

Tallaabadaan ayaa feejignaantii ugu sarreysay ee cudurka looga gaashamanayo maadaama uu cudurka uu si dhaqso ah ugu fafaay caalamka gaar ahaan Bariga Dhexe oo dalal badan lagu arkay.

Dadka Iiraan ayaa ah halka ugu daran ee cudurka lagu arkay waxaana ay dhimashadu sii cagacageynee 19 taas oo keentay in dalal badan ay hakiyaan duulimaadyada ka imaanaya Iiraan.