
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Ahmedabad ee Gobolka Gujarat ee dalka Hindiya booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu ku tago dalkaa
Madaxweyne Trump ayaa waxaa garoonka diyaaraha magaalada Ahmedabad ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Hindiya Narendra Modi.
Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul Wasaare Modi ayaa si wadajir dadka kula hadli doono garoonka ugu wayn dunida ee kirikitka dad wayne kumanaan ah.
Booqashada Mr Trump ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dimuqraadi ee adduunka ugu weyn.
























