
Montreal, Canada – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle aya khudbad ka jeediyay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee McGill University ee ku taalada magaalada Montreal ee dalka Canada.
Wasiirka Maaliyadda Soomaliya ayaa Khudbadiisa uga hadlay fursadaha Afrika ee isbeddelka Dhaqaalaha iyo Caqabadaha jira.
Wasiir Beyle ayaa sidoo kale Khudbaddiisa diiradda ku saaray dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray gaarnay, gaar ahaan hannaanka deyn cafinta.
Munaasabadda wasiir Beyle hadalka ka jeediyay ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaarka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Montreal dadka, iyo maamulka sare ee Jaamacadda McGill.

























