Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.
“Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.
Doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxweynaha afarta sanno ee soo socota waxaa laguu doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

























