Xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

708

Dhuusamareeb – Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa Guddigaas oo ka shaqayn doono qabsoomida doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka doorashada ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo ku xigeenkiisa labaad Faadumo Cabdi Cali.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay maanta jadwalka Doorshada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Araajida iyo taarikh nololkeeda musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa loo qorsheeyay 22-23 Janaayo iyadoo 27 laga dhigay dhageysiga Khudbadda musharaxiinta.

Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa laga dhigay in ay dhacdo 30ka bishaan.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegaya in khilaafka uu ka dhex bilowday Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay labo garab u kala qeybsameen. Xildhibaannadda Ahlu Sunna ku matalaya Baarlamaanka ee Guddiga doorashada ku jira ayaa la sheegay in ay ka biya diideen qaabka doorashada u dhacday iyo Guddoonka Guddiga loo doortay.