Aqalka Sare oo ansixiyay Sharciga Tirakoobka Qaranka

680

Muqdisho – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood dheer kaddib ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Istaatistikada (Tirakoobka) Qaranka Soomaaliya.

Sharcigan, ayaa dhigaya in la aasaaso hey’adda Tirakoobka Qaranka, waxaana ay noqon doontaa he ka mas’uulka ah tirakoobka iyo xogaha cilmi baariseed ee guud ahaan dalka.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannadda Golaha Aqalka Sare meel marina sharcigaan.

Sharcigaan ayaa waxaa horey u meelmariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka sanadkii hore.

Aqalka Sare ayaa dood dheer oo ay ka yeesheen iyo su’aalo ay ka weydiiyeen wasiirka Qorsheynta ansixiyay sharcigaan.