Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa Axadda meel mariyay qaraar dowladda Ciraaq lagu weydiisanayo in ay soo afjarto joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka Ciraaq.
Waxaa sidoo kale qaraarka lagu weydiistay in ciidamada shisheeye la hubiyo in aysan sinnaba u isticmaali karin dhulka, cirka iyo badaha Ciraaq.
Qaraarka ka soo baxay baarlamaanka Ciraaq ayaa waxa ku xusnaa in dowladda Ciraaq ay laashay caawintii ay weydiisatay isbaheysiga caalamiga sababo la xiriira in uu dhammaaday hawlgalka guulna laga gaaray.
Go’aanka baarlamaanka Ciraaq ayaa si gooni ah loogu beegsanayay ciidanka Mareykanka oo shanta kun gaaraya ee ku kala sugan meelo badan oo dalka Ciraaq ah.
Qaraarada baarlamaanka ayaa inta badan ahayn kuwa qabanaya fulinta,laakiin Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa mar hore weydiistay baarlamaanka Ciraaq in ay soo afjaraan joogitaanka ciidanka shisheeye.
Isaga oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Ciraaq ayaa Ra’iisul wasaare Hyder Abadi sheegay in saaritaanka ciidanka Mareykanka ay dan u tahay Mareykanka iyo Ciraaq.
Cabaadi ayaa intaas ku daray inkasta oo ay xaalad adag wajaheyso gudo iyo dibadda haddana waxa uu sheegay in ay mabd’a ahaan iyo waaqic ahaanba u roontahay in dalka laga saaro ciidanka Mareykanka.
Xildhibaan badan oo Shiica oo ah aqlabiyadda baarlamaanka ayaa taageeray qaraarka. Baarlamaanka ayaa ka kooban 329, waxaana u codeeyay 180 xildhibaan.
Xubnaha u badan Kurdiyiinta iyo Suniga ayaan baarlamaanka imaan. Taas ayaa u muuqatay in aysan taageersaneyn in la oo afjaro joogitaanka ciidanka shisheeye ee Ciraaq.
Qaraarkaan ayaa waxaa codsaday Ra’iisul wasaaraha Ciraaq kaddib markii dalkaas lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Iiraan iyo taliye ku xigeenkii maleyshiyaadka Shiicada ee Ciraaq.

























