Hay’adda Nabad Sugidda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxda sare ee dalka u gudbiyeen warbixin la xiriirta in qaraxii 28kii Bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ka dambeeyay dal Shisheeye.
Qoraal lagu daabacy Bogga Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay baaris ku sameyn doonaan iyaga oo la kaashanaya dalal Caalami ah.
“Waxaan madaxda Qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baaritaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis”, ayaa lagu yiri Warka NISA.
Wargeys ka soo baxa Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Yeni Safa ayaa sheegay in weerarkii Sabtigii uu amarkiisa bixiyay Dhaxal Sugaha Dalka Imaaraadka Carabta Maxamed Nin Zayed Al Nahyaan.


























