Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirka UK ee Soomaaliya

649

Muqdisho – Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaliya Ben Fender.

Guddoomiye Mursal iyo Safiirka UK ayaa ka wadahadlay Doorashooyinka 2020 iyo halka uu hadda marayo sharciga Doorashooyinka. Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan Baarlamaanka iyo wadashaqeynta kala dhexeysa.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkaa ka doodayay sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Baarlamaanka la horgeeyay. Sharcigaan ayaa waxaa soo diyaariyay Guddi Xildhibaanno ah oo Baarlamaanka u xilsaaray diyaarintiisa.