Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa su’aallo ku weydiiyay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Maxamed iyo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuuf Raage.
Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Xoogga dalka warbixin kooba Baarlamaanka ka siiyay shaqada wasaaradda iyo sida arrimaha amniga u socdaan.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa wasiirka su’aallo ku saabsan arrimaha hawlgalada amniga iyo xaalada Guud ee ciidanka weydiiyay Taliyaha cidianka xoogga dalka Gen. Odawaa.
Taliyaha ayaa inta badan su’aallihii Xildhibaannaddu ay weydiiyeen jawaabo iyo sharaxaad ka bixiyay.
Taliye Odawaa ayaa sheegay in Xildhibaannadda ilaalada ay wataan ay ka tirsan yihiin Hey’addaha kala duwan ee amniga, sidoo kalena Xildhibaankii gudaha ilaalo la galaya aan la ogalayn balse mas’uulkii toos baraha kontorool uga gudbiya aysan saamaynayn.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay hawlgalada ka socda qaar ka mid ah Gobolada dalka. Baarlamaanka ayuu ka codsaday in Miisaaniyadda loo kordhiyo ciidanka si ay baahiyo badan oo jiro wax looga qabto.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha in ay Baarlamaanka hor yimaadaan si su’aallo looga weydiiyo hawlaha wasaaradda iyo hawlaha la xiriira hawgalada ciidanka xoogga dalka.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa 1aad.
Guddomiye Mursal ayaa sheegay Ciidamada amaanka looga baahan yahay in ay Xildhibaanadda xasaanada ay leeyihiin ku ixtiraamaan iyagoo sidoo kalena muhiimad gaar ah siinaya sugida amniga iyo ka feejignaana muujinaya.



























