Wakiilka QM ee Soomaaliya oo Jowhar kulan kula yeeshay Madaxweynaha Hirshabelle

682

Jowhar – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Jowhar Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta ka dhexeysa maamulka Hirshabelle iyo xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay ka wadahadleen arrimaha Doorashooyinka Qaranka ee 2020-ka. Waxaa sidoo kale kulan ka qaybgalay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Midowga Yurub oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, haweenka, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyarada.