Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga hadlay dib-u-habeynta ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), sida wasiirku bartiisa Facebook ku qoray.
“Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweyay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay.
Waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric).
“Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.


























