Hogaamiyeyaasha ururka Nato oo London ku shiraya

900

Hogaamiyeyaasha ururka Nato ayaa ku kulmaya bannaanka magaalada London si ay wadahadalo rasmi ah yeeshaan maanta, madaama ay isu soo yimaadeen si ay u xusaan sanadguuradii 70-aad ee ka soo wareegtay aasaaska xulafada militari.

Shirka ayaa ka dhici doona hoteel raaxo ah oo u dhow magaalada Watford oo ku taalla Waqooyiga London. Kulanka kaddib ayaa waxa xigi doono qado soo dhawayn ah oo ka dhicaysa qasriga Buckingham Palace iyo xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Downing Street.

Shirkaan oo laba maalmood soconaya ayaa ilaa hadda waxaa sii xoogeystay xiisadda u dhaxeysa xulafada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo inta badan aad u dhaliila siyaasadda Nato iyo qaarka ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ayaa shirka ka qeybgalaya shirka.

Mareykanka ayaa bixiya dhaqaalaha ugu badan ee Nato waxa uuna ku dhaliilaa waddamada kalena in ay sidoo dhaqaale la mid ah bixiyaan.