Muqdisho – Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug. Wasiir Sabriye ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato Guddiga Farsamda iyo Doorashooyinka Galmudug.
Wasiirka iyo Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan soo xulista Xildhibaannadda Baarlamaanka Galmudug oo toddobaadkaan soo xulistoodu dhacayso.
Guddiga Farsamada iyo Maamul u dhisida Galmudug ayaa toddobaadkaan shaaciyay jadwalka soo xulista Xildhibaannadda Baarlamaanka Galmudug iyo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku.
Waxaa jira wali khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Ahlu Sunna iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo aan xal laga gaarin. Guddiga Farsamada iyo Doorashooyinka Galmudug ayaa horey ugu baaqay Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka in ay wadahadal ku dhamaysteen waxa ay kala tabanayaan si aysan saamayn ugu yeelan hannaanka doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxda Galmudug.