Muqdisho – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay diyaarad maanta geesay maagalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Madaxweyne Waare ayaa beeniyay ugu horeyn in mas’uuliyiintaas loo diiday in diyaarada sida ay ku degto garoonka magaalada Beledweyne. Waxa uu sheegay in warka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegayay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle ay mas’uuliyiintaas la hor istaageen in ay ka degto Beledweyne ay tahay war aan sax ahayn, arrintuna ay ka duwan tahay.
Madaxweyne Waare aya sheegay in garoonka Beledweyne ay saamayn ku yeesheen roob xalay ka da’ay magaalada sidaas darteena loogu wargeliyay mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle in diyaaraha waa wayn ama culus aysan ka degi karin garoonka ilaa biyaha ay ka qalalaan.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in diyaarada ay halis gelisay mas’uuliyiintii iyo dadkii saaraana kaddib markii ay iyada oo aan raaahayaha diyaaraha laga hago lagala socon ay si ku nasiibso ah u degtay.
Waxaa mas’uuliyada qaladkii dhacay ay qaadanayso shirkadda diyaarada iska leh sidoo kalena ay baaritaan ku hayaan.
Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne diyaarad siday siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Madaxweyneyaashii hore Soomaaliyaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Mas’uuliyiinta ayaa la sheegay in muddo saacado ah lagu xanibay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

























