Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqasho ku tagay degmada Berdaale

734

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday degmada Berdaale ee Gobolka Bakool halkaasi oo ay saameeyeen Fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiaziiz Xasan Maxamed Lafta- gareen ayaa booqday goobaha ay degan yihiin qoysaska ka barakacay daadadka iyo fatahaadaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaarahaha warbixin ka siiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Dadka fatahaaduhu saamaynta kuu ee degmada Berdaale ayaa la gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah. Ra’iisul Wasaaruhu ayaa Guddiga gurmadka faray in ay laba jibbaaraan hawlaha gurmadka.