Golaha Wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020

642

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020ka.

Miisaaniyadda dowladda ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen ayaa gaaraysa 469.5 milyan oo doollarka Mareykanka ah. Wasaaradda Maaliyadda ee soo gudbisay Miisaaniyadda ayaa sheegtay in dakhliga gudaha uu Korar sameeyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku bogaadiyay wasaaradda Maaliyadda sida ay u soo u soo dhamaystirtay ku talagalka Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020ka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay heli doonaan 70 dollar oo dheeraad ah oo gunadooda loogu kordhiyay taasi oo ka dhigan in askari kasta uu heli doono 200 oo doollar bilkasta.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

https://twitter.com/HassanAKhaire/status/1190007966830870528?s=19

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Kororka ku yimid miisaaniyadda dowladda sanadka 2020, inteeda badan ay tahay mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 oo doolar bil waliba.