Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in dowrkoodi ay ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Hiiraan Gedo iyo daadadka ka dhashey roobabka ka da’ay gobalka Baay.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in xubnaha Dowladda ay mushaharaadkooda qeyb ahaan ay u jaraan,si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaataysan.
Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah loogu gurmado shacabka ay fatahaada wabiga ay samaeyeen, kana codsaday sida ganacsatada, culimaa’udiinka iyo qurba joogta Soomaaliyeed intaba.
Fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dad badan,waxaa jira khasaare naf iyo maal oo ay ugu darantahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo wehliya fatahaadda webiga Jubba ee Gedo iyo daadadkii ka dhashey roobabkii ka da’ay gobalka Baay.
Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo dowladda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa.
Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacowday howlahaasi gurmadka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii samafal deg deg ah loo gaar siin lahaa dadkaasi,iyadoo magaalada Baladweyne dhawaan dowladdu ay gar gaar gaarsiisay.

























