Baarlamaanka oo ansixiyay xeerka Tirakoobka Qaranka

703

Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ku yeeshay xarunta Golaha ayaa ka dooday xeerka Tirakoobaka Qaranka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa malmahaan ka doodayay xeerkaan oo la horgeeyay.

Kulanka maanta waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan. Baarlamaanka ayaa dood iyo su’aalla kaddib waxa ay ansixiyeen xeerka Tirakoobka Qaranka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay natiijada codeynta xeerkaan Tirakoobka Qaranka oo ay maanta la meelmariyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 137 mudane ay u codeeyeen xeerkaan halka 3 mudane ay diiday.