Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay dilka hoggaamiyaha kooxda Daacish

684

Madaxweynaha Maraleykanka oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha kooxda Daacish Abuubakar Albaqdaadi lagu dilay weerar ay ciidanka Mareykanka ay ku qaadeen Waqooyi Galbeed ee dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Albaqdaadi lagu dilay weerar habeenkii lagu qaaday, weerarkaas ay fuliyeen ciisan ka tirsan kuwa Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay shirka jaraa’id ayaa ku faanay in Baqdaadi uu dhintay isaga oo ooynaya oo ka argagaxsan ciidanka Mareykana ee weerarka ku qaaday.

Diyaaradaha miltariga Mareykanka iyo drone ayaa ka qayb qaatay oo taageero dhanka cirka ah siinayay ciidanka hawlgalka ka fuliyay deegaankii ugu dambeeyay ee kooxda Daacish ay ka joogto gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay sida uu ku dhintay hoggaamiyaha Daacish ayaa sheegay in Baqdaadi uu isqarxiyay markii weerarka lagu qaaday sidaa darteed jirkiisa uu googo’ay.

Saacado ka hor inta uusan Madaxweyne Trump ku dhawaaqin hawlgalka dhacay ayaa waxa weerarka guul ku tilmaamay taliyaha ciidanka Kurdishka Mazloum Cabdi kaas oo hawlgalka ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ku yimid wada shaqaynta labada dhinac.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa sanado badan aan la aqoon halka uu ku suganyahay maadaama ay aad u yareed inta jeer oo uu muuqaal iska duubay tan iyo sanadkii 2014 markaas oo uu asaasay khilaafadiisa oo ka talineysay Ciraaq iyo qaybo ka mid ah Suuriya.

Marar badan ayay been noqotay warar sheegaya in uu ku dhintay duqeymo Mareykanku u geystay oo lagu bartilmaameedsanyahay Baqdaadi.