Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa IMF

707

Muqdisho- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maagalada Washington ee dalka Mareykanka kulamo kula yeeshay madax ka tirsa Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF.

Kulamada uu wasiir Beyle la yeeshay mas’uuliyiintaan ayaa diirada lagu saaray
Masuuliyiinta dib-u-habeynta maamulka Maaliyadda iyo sidii dowladdu uga soo dhalaali lahayd shuruudihii ugu muhiimsanaa ee Barnaamijka ka deyn-cafinta Soomaaliya ee #SMP.

Waxaa sidoo kale kulamada looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ee la dhexeeya wasaaradda iyo Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maagalada Washington uga qeybgalaya shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF kuwaasi oo diirada lagu saaro arrimaha dhaqaalaha iyo Maaliyadda.