Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Turkiga, kuna baaqay xabbad-joojin

702

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga taasi oo jawaab u ah howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga bari ee Siiriya, wuxuuna ku baaqay xabad joojin deg deg ah.

Turkiga ayaa weerar dhanka xuduuda ah ku qaaday dagaalyahanada Kurdiyiinta Arbacadii la soo dhaafay ka dib markii Trump uu ka saaray qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka gobolka, isagoo dhaleeceyn weyn kala kulmay xubnaha kale ee xisbigiisa Jamhuuriga oo ku eedeeyay inuu ka tanaasulay xulafadii ka caawisay la dagaalanka kooxda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant (ISIL ama ISIS) ee hubaysan.

Trump wuxuu sheegay inuu u dirayo Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence iyo La taliyaha Amniga Qaranka Robert O’Brien magaalada Ankara sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah isku day lagu bilaabayo wadahadalada.

Pence wuxuu sheegay in Trump uu si toos ah ula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasoo ballanqaaday inuusan weerari doonin magaalada xuduuda ku taal ee Kobane.

“Madaxweyne Trump wuxuu si cad ula socodsiiyay in Mareykanka inu doonayo in Turkigu joojiyo duullaanka, uu hirgaliyo xabad joojin deg deg ah oo uu bilaabo inuu wadahadalo la galo ciidamada Kurdiyiinta ee Siiriya si loo soo afjaro rabshadaha,” ayuu yiri Pence.

Cunaqabateyntan ayaa quseysa shaqsiyaadka, hey’adaha iyo dad la shaqeeya dowladda Turkiga ee ku lugta leh “ficillo halis gelinaya dadka rayidka ah ama horseedi kara sii xumaanshaha nabadda, amniga iyo xasilloonida waqooyiga bari ee Syria, ayuu ku yiri Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo bayaan uu soo saaray.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa iyaguna soo gaaray xuduuda dagaalka ka socda si ay uga hortagaan duulaanka Turkiga ee xadka Waqooyi bari ee Suuriya.

Turkiga wuxuu sheegay in duulaankaan ay ujeeddadiisu tahay in xoogaga Kurdiyiinta laga saaro gobolka soohdinta ah isla markaana la dhiso waxa dowladda Ankara ay ku tilmaantay in ay tahay “aag nabdoon”.

Iyada oo ah “aag nabdoon” oo gaari doonta qiyaastii 30km (20 mile) gudaha Suuriya, Turkiga wuxuu doonayaa inuu dejiyo illaa 2 milyan oo qaxooti Suuriya ah oo hadda ku sugan gudaha dhulkeeda.

Qaar badan oo ka mid ahi ma aha Kurdiyiinta iyadoo dadka wax naqdiya ay ka digeen in arrintani ay horseedi karto isir sifayn qowmiyadeed ee tirada kurdiyiinta maxalliga ah.

Dalalka Jaamacadda Carabta ayaa toddobaadkaan qoraal ay soo saareen ku cambaareyay duulaanka Turkiga ee Waqooyi bariga Suuriya halka Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya ay diideen in ay cambaareeyaan.