
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacay Ra`iisul wasaaraha dalka Australia Scott Morison waxana uu ka codsaday in uu ka caawiyo halka ay ka soo bilaabaty baaritaanka Mueller oo lagu ogaanayay saameynta ay Ruushku ku yeesheen guushii Madaxweyne Trump, saraakiil u dhalatay Australia ayaa sidaas xaqiijiyay.
Trump ayaa sida ay soo wariyeen warbaahinta Australia iyo Mareykanka weydiisatay Scott Morrison in uu kala shaqeeyo sidii loo sumcad dili lahaa baaritaanka ka dhanka ah Madaxweyne Trump. Australia ayaa dhanka kale xaqiijisay in uu jiro wicitaanka Madaxweyne Trump waxaana intaas lagu daray in Australia ay aqbashay codsiga Madaxweyne Trump.
Arrintaan ayaa bannaanka u soo baxday iyada oo Madaxweyne Trump uu wajahayo baaritaan kale oo sababi kara xil ka xayuubin oo ku aaddan wicitaan kale oo uu sameeyay kaas oo uu Madaxweynaha Ukraine ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo wiillka siyaasiga xisbiga Dimuqraadiga ah Joe Biden oo ka tirsan maamulayaasha sarsare ee shirkadda gaaska ee dalka Ukraine.
Kaddib markii la dusiyay wicitaanka Madaxweyne Trump ee Ukraine ayaa xisbiga Dimuqraadga waxay bilaabeen baaritaan horseedi kara xil ka qaadis , iyaga oo warqad yeeris maxkameed ah u geeyay garyaqaanka gaarka ah ee Madaxweyne Trump, Ruddy Guililani.
Wargeyska Washington Post ayaa ku waramay in xeer ilaaliyaha Mareykanka Wiliam Barr uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka kala tirsan sirdoonada Britain iyo Talyaaniga isaga oo weydiistay in ay ka caawiyaan baaritaanka ku saabsan dabagalka Mueller ee kaalintii Ruushku kulahaa doorashadii Mareykanka. Ilo wareed ayaa wargeyska Washington Post u sheegay in booqashada Wiliam Barr todobaadkii hore uu ku tagay Talyaaniga aysan ahayn tii ugu horreysay.
Nuqul qoraaleedka wicitaanka Trump ee Australia ayaa sida tii Ukraine oo kale loo qariyay taas oo ah wax si weyn uga duwan habka baratakoolka Aqalka Cad. Madaxweyne Trump ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bannaanka timid wicitaankii uu cadaadiska ku saaray Madaxweynaha dalka Ukraine waxaa aad u badanayay dabagalka lagu hayo.
Australia ayaa xaqiijisay in uu jiro codisga iyada oo intaas ku dartay in Australia ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo iftiimin laha mugidiga jira. Sababta Australia ay u soo gashay ayaa lagu sheegay in safiirka horay Australia ugu fadhiyay Mareykanka uu mar hore u sheegay hey`adda FBI-da Mareykanka in la taliye Madaxweyne Trump oo lagu magacaabo George Papadopoulos uu muujiyay shakiga ah in Ruushka ay doonayaan in ay bannaanka keenaan warbixin dhaawac u geysan karta Hillary Clinton oo ahayd musharixii xisbiga Dimuqraadiga ee la tartantay Madaxweyne Trump doorashadii sannadkii 2016.
Madaxweyne Trump ayaa wajahaya eedo la xiriira in madaxda dalal shisheeye uu kala hadlay arrimo aan sharci ahayn oo ay ku jirto in la ciqaabo wiil uu dhalay musharaxa ugu cadcad xisbiga Dimuqraadiga doorashada sannad ka 2020-ka, haddii kale aysan Marrykanku Ukraine siin doonin taageerada Militari.
























