Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen gobolka Najraan ee Koonfur Galbeed Sucuudiga ay ku qabteen askar fara badan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Sucuudiga. Sheegashada kooxda Xuutiga ayaan se si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Afhayeen u hadlay kooxda fadhigeedu yahay Yaman ayaa War qoraal ah ku sheegay in saddax guuto oo ciidan ah ay gacanta ku dhigeen kaddib hawlgal 72 saac ka hor ka dhacay gobolka xuduudda dhaca ee Najraan.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in weerarka ay ka qayb qaateen gantaalaha iyo diyaaradaha ciidanka Xuutiga.
Telefishinka Almasirah oo ku hadla afka Xuutiga ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Xuutiga kaas oo sheegay in ay qabteen ciidamo gaaraya kumanaan iyo boqolaal baabuurta gaashaamaan ah oo Sucuudiga leeyahay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay askar badan ku laayeen weerarka oo ahaa sida kooxda ay sheegatay kii ugu weynaa ee lagu qaado gobolka dhaca xuduudda Yaman iyo Sucuudiga ee Najraan.
Afhayeen Milatari oo Xuutiga u hadlay ayaa sheegay in weerarka uu Sucuudiga u muujinayo in dagaalyahanka Yamaniyiinta ay gudaha u gali karaan Sucuudiga haddii aysan joojin weerarada gardarroda ah ee ay kusoo qaadeen Yaman.
Kooxda Xuutiga oo fulisay sida ay sheegtay weerarka oo noqonanaya kii ugu weynaa abid ayaa intaas ku dartay in ciidanka iyo baabuurta la qabsadayba laga sii deyn doono Telefishinka Almasirah oo ah Telefishinka kooxda Xuutiga.
Hawlagalkaan ayaysan wali wax war ah ka soo saarin Sucuudiga. Isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiye ayaa in ka badan muddo shan ah dagaal kula jirta kooxda ay Iiraan taageerto ee Xuutiga.
Weerar dhacay horraantii bisha September oo lagu qaaday goobo shidaal ayay kooxda Xuutigu sheegatay masuuliyaddiisa, wallow at taasi shaki ka muujiyeen Sucuudiga iyo xulafadiisa.

























