Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka hadlay arrimaha deyn-cafinta, Dib-u- habaybta dhaqaalaha iyo Maaliyadda.
Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shir toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
“Waxaan faah faahiyay shirarkii ugu dambeeyay ee aan Addis Ababa kula soo yeelanay Masuuliyiinta IMF, Bangiga Aduunka iyo wakiilada Beesha Caalamka”. Ayuu yiri wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa sido kale ka warbixiyay guulihii iyo horumarka laga gaaray wajigii hore Barnaamijka dib-u -eegista hannaanka 4aad ee deyn cafiska Soomaaliya ee loo yaqaan (SMP4)
“Waxaan Bulshada la wadaagay in aan guul muhiim ah ka soo gaarnay Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4)”. Ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay warbixinta dhawaan ay soo saaray Sanduuqa Lacagta Adduunka “IMF” oo ay ku sheegtay in wajiga afaraad ee hannaanka deyn cafinta Soomaaliya ay dowladda Soomaaliya dhamaystirtay. Sidoo kalena guulo la taaban karo laga gaaray hirgelintiisa.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ku rajawayn yahay in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga cafin doono sanadka 2020-ka.
Warbixin ay dhawaan siidaysay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayay ku sheegtay in la saadaaliyay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhayo boqolkiiba 2.9 sanadkaan 2019-ka.

























