Ilaalo Ruush ah oo uu dhaawac u geystay markab ay leedahay Kuuriyada Waqooyi

771
Sawir ka waa mid hore/© Sputnik / Vitaliy Ankov

Saddax ka mid ah ilaalada xuduud badeedka dalka Ruushka ayaa dhaawac ka soo gaaray weerar u badda Jabbaan ka geystay markab kuwa kaluumeysiga sharcidarrada sameeya oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Ilaalada ayaa sida laga soo xigtay hey’adda amniga ee dalka Ruushka ee FSB waxa ay qabtay markab si sharci darro ah uga kalumeysanayay aagga dhaqaale ee Ruushku leeyahay, taas oo keentay in markab kale oo la socday kan la qabtay uu rasaas furo taasoo keentay dhawaaca saddax askari oo ka tirsan ilaalada badaha Ruushka.

Ciidanka ilaalada badda Ruushka ayaa xiray labada markab ee laga leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo iyaga oo kaluumeysi sharcidarro ah ku jira ay gacanta ku dhigeen ciidanka Ruushka oo sameeynayay roondo lagu sugayo amniga aagga dhaqaalaha gaarka ee Ruuhska ee ku yaalla badda Jabbaan.