W/Waxbarashada Soomaaliya oo magacoowday Guddi Qaran ee Tacliinta Sare

852

Muqdisho – Kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu shaaciyay Guddo heer Qaran ah kaasi oo ka shaqayn doono Tacliinta Sare.

Guddigaan oo ah mid ku meel gaar ah oo ay magacoowday wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka shaqayn doono horumarinta Tacliinta Sare.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka Waxbarashada,Cabdiraxmaan Maxamuud Cadulle Jaabiri wasiiru Dowlaha wasaaraddaasi Xildhibaan Cali Cismaan (Cali Jowhar) guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka iyo Prof Cismaan Maxamuud Dufle guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare ayaa si wada jir ah u sheegay in ay tahay arrintaan talaabo dhanka horumarka ah loo qaaday tayaynta Taclinta sare ee dalka.

Hoos ka akhriso warqada Guddiga