Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwadda badda

818

Hague,Netherland – Maxkamadda caddaaladda caalamiga ee fadhigeedu yahay dalka Nederland ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo lagu waday in 9ka bishaan ay ka bilaabato xaruunta maxkamadda ee magaalada Hague.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Ambassador Cali Faqi ayaa sheegay in maxkamadda iyada oo tixgalineysa codsiga Kenya ay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda ilaa iyo bisha November ee sanadkaan. Maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda ilaa iyo hal sano. Kenya ayaa ku dooday in ay dooneyso in ay qorato qareenno cusub oo ku metala dacwadda maadaama ay kala dirtay qareenadii horay ugu metalayay dacwadda.

Soomaaliya ayaa goor sii horeysay sheegtay in ay maxkamadda ka codsatay in ay 24 saac gudahood ay jawaab ku saabsan sida ay wax noqonayaan kusoo siiso. Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysay in dacwaddu ay ku socoto sida ay horay u ahayd, halka Kenya ay codsatay in dib loo dhigo.