Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrkia Nalendi Pandor ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegtay in si ku meel gaar ah loo xiray safaaraddii dalka Koonfur Afrika uu ku lahaa dalka Nigeria sababo la xiriira cabsi laga qabo in waxyeelo loo geysto shaqaalaha safaaradda.
Arrintaan ayaa imaaneysa kaddib markii weeraro ajnabi nacayb ah loo geystay ganacsi ay dad Afrikaan ah oo qaarkood Nigeria ka soo jeeda ay leeyihiin, taas oo keentay in falal aargudasho ah ay ku dhaqaaqan dadka Nigeria inkasta oo aysan jirin falal waaweyn oo u dhigma dhacdooyinka dalka Koonfur Afrika.
Magaalooyinka qaar ee dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo ka dhan ah shirkado laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, iyada oo taas ay sababtay in shirkadda dhinaca isgaarsiinta ee MTN ay ku dhawaaqdo in la xirayo dhammaan xaruumahooda inta ay wax iska badalayaan.
Xiriirka Nigeria iyo Koonfur Afrika ayaa meel xun gaaray waxaana Nigeria ay gabi ahaanba qaadacayday ka qayb galka shirka dhaqaalaha Afrika oo lagu qabanayo magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in weerarada Afrikaan nacaybka ah ay yihiin kuwa laga xumaado hase ahaate aysan sharciyada dalkooda ku jirin in ay magdhow ka siiyaan dadka khasaaruhu soo gaaray.
Mowjadaha isir nacaybka ah ayaa gabi ahaanba saameeyay dadka Afrikaanka ah ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika. Kooxo burcad ayaa bililiqo baaahsan ka geystay dhowr goobood oo ka mid ah magaalaada Johnsuburg . Dhaca iyo rabshada ka dhanka ah ajnabiga ayaa marar badan kusoo noqnoqday dalka Koonfur Afrika waxayna dad badan u sababeeyeen shaqo l,aan baahsan oo heysata dadka madowga ah.

























