Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay inuu is casilayo talaadada kadib go’aan ay soo saareen xisbiga midigta fog ee ah in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqoshada oo ka dhan ah Xukuumadda isbahaysiga.
Isagoo Baarlamaanka kala hadlayay qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay talaabadii uu qaaday xisbiga midigta fog horaantii bishaan si loo soo afjaro isbahaysiga uu kula jiro isbahaysiga Five Star Movement, Conte wuxuu sheegay Talaadadii inuu ku wareejin doono iscasilaadiisa madaxweyne Sergio Mattarella.
Conte ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha xisbiga midigta fog Matteo Salvini, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudaha, inuu isku dayayo inay hoos u dhigaan isbahaysiga dano shaqsiyadeed iyo mid siyaasadeed awgeed, taasoo qaranka u horseedi karta khatar ah deganaansho la’aan dhaqaale.
Talyaanigu waa inay ogolaato miisaaniyad bilaha soo socda si ay uga hor tagto xiisadda sii kordheysa ee Mdowga Yurub ee ku saabsan maamulka Rome ee deymaha lagu leeyahay.
Madaxweyne Mattarela ayaa hadda la filayaa inuu bilaabo wada tashi uu la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada si loo ogaado haddii isbahaysi cusub ay isbahaysi dhisi karaan. Haddii xisbiyadu ku guuldaraystaan in ay sameystaan isbahaysi xukun cusub, dalka waxaa la filayaa inuu u aado doorasho.

























