Dowladda Soomaaliya oo fasaxayday shaqaalaha saddex maalmood

1240

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fasax saddex cisho ah siisay dhamaan shaqaalaha Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta…

Shaqaalaha ayaa waxaa la fasaxay maalmaha Sabtiga, Axadda iyo Isniinta ee todobaadka dambe.