Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo aas qaran loo sameeyay

1047

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa saaka laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay salaaddii janaasada ee lagu tukaday Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumka ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashkii uu saarnaa la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Diyaaradda ayaa waxaa kale oo la socday xubno ka mid ah qoyska marxuumka.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

IB0A0209