Shirkadda Batroolka Qadar oo heshiis lagashay shirkaddaha Eni iyo Total inay baaris shidaal ka sameyaan xeebaha Kenya

779

Shirkadda Batroolka ee ay maamusho dowladda Qatar (Qatar Petroleum) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Shirkaddaha Eni iyo Total, si ay saami ugu yeelato 25% sahminta shidaalka saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha Kenya.

Qoraal Twitter-ka ku shaacisay Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in 25% ay ka heshay Shirkadaha Eni iyo Total oo kala ah (13.75% Shirkadda ENI iyo 11.25% Shirkadda Total), waxaana meelaha sahminta shidaal ee ay heshiiska ku qaadatay ka mid ah saddex balloog oo kala ah L11A, L11B iyo L12.

Kiiska dacwadeedka ku saabsan muranka badda ee horyaala maxkamada ICJ ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaan ogolaaneynin inay shirkadaha sahmiya shidaalka wax baaritaan ah ka sameyn karin dhub biyoodka lagu muransanyahay ilaa iyo go’aan ka soo baxo maxkamadda.

Shirkadda ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa horay loogu eedeeyay inay baaritaan sharci darro ah ka wado dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso ee ka tirsan Soomaaliya oo ay ka sameyneysay shidaal baaris.

Heshiiskna waxaa dowlada Qadar u saxiixay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay ku faraxsan yihiin saamigan ay ka iibsadeen shirkadaha Total iyo ENI.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay xiriir dhow la leedahay Qatar, waxaa su’aal la gelinayaa arrimaha soo baxay intee la eg ayay dowladdu aaminii kartaa siyaasadda Qatar ee ku aadan dhinaca Shidaalka.