Shir ku saabsan Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya oo magaalada Addis Ababa ka furmay

708

Waxaa maagalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka socda ka furmay shir ku saabsan dib u eegista Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya wajigiisa saddexaad.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, madax ka socota Hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaan labada maalin oo diirada lagu saarayo dib u eegista Barnaamijka sadexaad ee deyn Clcafinta Soomaaliya (SMP3) kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Hey’adda IMF ay ku qanacday dhammaan sidii dowladdu ay ugu soo baxday shuruudihii Barnaamijka SMP3.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha badan ee caalamku ku leeyahay haddii ay si sax ah u fuliso shuruidaha lava rabo.