Ra`iisul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa lagu wadaa in ay Midowga Yurub weydiisato kordhinta muddada ay uga baxayaan Midowga Yurub oo gabaabsi ku dhaw si ay xal ugu hesho ismariwaaga ka jira baarlamaanka .
Theresa May ayaa sheegtay in ay kulan la qaadaneyso hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn si ay iskula meel dhigaan qorshaha ku saabsan xiriirka mustaqbalka ay Britain la yeelaneyso Midowga Yurub. Waxay May ku adkeysatay in heshiiska ay la galeyso Jeremy Corby uu qayb ka yahay heshiiskeeda ka bixititaanka oo horay uu baarlamaanka u diiday.
Dhankiisa Jeremy Corbyn ayaa tibaaxay in uu ku faraxsanyahay la kulanka May uuna hubin doono in qorsheyaasha laga wadahadli doono lagu daro ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo canshuurta aan waxba laga badalin oo ay sideeda sii ahaato.
Wadahadalada dhexmari doona xisbiyada kala duwan ayaa si weyn uga xanaajiyay xubnaha xisbiga Muxaafidka ee u ololeynaya ka bixitaanka Midowga Yurub. Boris Johnson oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Britain ee muxaafidka (Conservative) ayaa ku eedeeyay wasiirada in ay ku aamineeyn xisbiga shaqaalaha dhameynta ka bixitaanka Midoga Yurub.
Xoghayahii hore ee arrimaha dibadda Britain Boris Johnson ayaa tilmaamay in siyaasadda ka bixitaanka Midowga Yurub ay noqotay mid jilicsan oo gaartay heer in ay burburto. Johnson ayaa intaas ku daray in uusan marnaba aqbali doonin in Britain ay qaab ka sii ahaato canshuurta mideysan.
Britain ayaaa heysatay ilaa iyo 12ka April si ay ugu gudbiso Midowga Yurub qorshaha ay uga baaxayaan,qorshehaas oo ay qasab ku ahayd Midowga Yurub in ay aqbalaan, haddii kale waxay Britain ka baxeysa Midowga Yurub heshiis la’aan.
Britain ayay ahayd in ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Maarso , hase ahaate Theresa May ayaa ogolaatay muddo kordhin loo sameeyo waqtiga ay ka baxayaan markii ay u caddaatay in baarlamaanka uu muddada loogu talo galay uusan ku ogolaan doonin.
War qoraal ah oo ka soo baxay Downing street oo ah halka looga taliyo Britain ayay May ku sheegtay in muddo kordhinta loo sameynayo aysan dhaafin 22 May si UK aysan qayb uga qaadan doorashada Midowga Yurub. Theresa May ayaa intaas ku dartay in ay dooneyso in ay qorshe wadajir ah la qaadato Jeremy Corbyn hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha oo arrinta looga codeeyo baarlamaanka Britain ka hor tobanka bisha Apriil oo lagu wado in Midowga Yurub in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo ku saabsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
Haddii labada dhinac waa xisbiga shaqaalaha iyo xisbiga muxaafidka ay isku raaci waayaan hal qaab, May ayaa sheegtay in xildhibaanada ay hordhigi doonto waxyaabo badan oo kale duwan si ay u go`aamiyaan wadada la qaadayo.
Xildhibaanada baarlamanka Britain ayaa labo mar oo ay arrinta cod u qaadeen aan si wadajir ah isku raacin, taas oo sii adkeysay qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

























