Kuuriyada Waqooyi oo ‘ isu diyaarinaysa soo saarista gantaalo cusub’

750

Sawirro Satellite-ka ah oo laga qaaday goob u dhow magaalada Pyongyang ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi
laga yaabo inay isku diyaariso inay soo saarto gantaal ama dayax-gacmeed.

Meesha hawshaan ay ka socoto ayaa ku dhow goob lagu magacaabo Sanumdong, halkaasi oo ay Kuuriyada Waqooyi
ay isugu soo uruurisay gantaalaheeda ballistic-ga ah iyo hubkeeda.

Waxa ay timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayay horantii toddoobaadkaan in Kuuriyada Waqooyi goobteeda ugu wayn ee tijaabinta gantaalaha ee loo yaqaano Sohae dib loo dhisay.

Burburinta Sohae oo ah goob gantaalaha lagu tijaabiyo ayaa bilaabatay sanadkii hore balse istaagtay markii wadahadaladii Mareykanka ay aan wax horumar ah laga gaarin.

Jimcihii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka niyad jabi doono haddii Kuuriyadda Waqooyi ay dib u bilowdo barnaamijkeeda tijaabinta hubka Nuyukleerka.

Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi aya bishii hore kulankoodii labaad oo ku saabsana xal ka gaarida hubka Nuyukleerka Kuuriyadda Waqooyi ku dhexmaray dalka Vietnam balse natiijo la’aan ku soo dhammaaday.