Sacuudiga oo haweeney u magaacabay safiirkeeda Mareykanka

761
Amiiradda Rima waa haweeney igu horreysay oo loo magaacabay jagadaan qoyska Boqortooyada Sacuudiga. Sawirka: Getty images

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in Amiiradda Rima bint Bandar al-Saud ay noqon doonto safiirkeeda soo socota ee Mareykanka – haweeneydii ugu horreysay ee abid noqota wakiilka boqortooyada.

Magacaabisteeda waxa lagu shaaciyay lagu warewgto ka soo baxday Aqalka bortooyada Sabtida.

Amiirad Rima ayaa qayb ka mid ah nolasheeda ku nooleyd magaalada Washington DC.

Waxay u qabanaysaa doorka xilligan adag, maxaa yeelay Sacuudi Carabiya waxay isku dayeysaa in ay dajiso ama qaboojiso Carada caalamiga ah ee ka dhalatay dilkii saxafiga Jamal Khashoggi.

Kadib markii Sacuudigu sharraxaad is khilaafsan ka bixiyay wixii dhacay, boqortooyada ayaa ugu danbeyn qirtay dilka Khashoggi, oo markii hore ahaa qofka tirsan qoyska xukunka Boqortooyada, ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga sannadkii hore.

Dilkiisa ka hore suxufiga waxa uu ahaa qoraa ka tirsan wargeyska Washington Post, isagoo aad u dhaliili jiray si joogta ah dowladda Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa beenisay in dhaxal sugaha Amiir Mohammed Bin Salman uu wax lug ah ku leeyahay dilkiisa.

Amiirad Rima ayaa beddeli doonta dhaxal sugaha Sacuudiga walalkiisa ka yar, Amiir Khalid bin Salman, kaasi oo loo magaacabay wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Sacuudiga.

Amiiradda waxaa loo arkaa in ay tahay u doodaha xuquuqda haweenka, waddanka ayaa si joogto ah loogu dhaleeceeyay rikoodhka ku saabsan sinnaanta jinsiga.

Dhawaanahan, waxay ka shaqeyneysey Hey’ada qaabilsan ciyaaraha ee Sacuudiga, iyadoo xoogga la saarayo sii kordhinta ka qaybgalka haweenka ee cayaaraha iyo jimicsiga.