Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed 9Farmaajo iyo hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Januuti ee dalka Jabuuti.
Madaxwene Farmaajo oo labadii maalmood ee tagtay safar shaqo ku joogay #Burundi ayaa caawa soo gaaray Jabuuti, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. pic.twitter.com/ttTdrGiQO3
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) February 19, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa dalka Burundi ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxa ka tirsan dowladda Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doono dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo ka wadahali doono arrimaha iskaashiga labada dal ee dhanka amniga iyo Gobolka.

























