Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi

692

Bujumbura – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Bujumbuura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Burundi Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulmo la qaadan doono madaxweyne Nkurunziza iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Burundi.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Hawgalka Amisom ay shaaciyeen in 1000 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga ee dalka Burundi ay dalka ka baxayaan, kuwaasi oo laga saarayo degaanada dowlad Goboleedka Hirshabelle.