Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo baxay Kenya

831

Muqdisho (UM) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warqad ay uga jawaabeyso tallaabada ay Kenya dib ugu yeeratay safiirkeeda Soomaaliya, dalkiisana ay dib ugu celisay safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Wasaaradda ayaa caddeysay in aysan jirin wax xirmooyin ah oo ay Kenya leedahay oo lagu soo bandhigay shirkii bandhigga xogta shidaalka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Qoraalka waxaa lagu yiri Kenya waxay sheegtay in xuduud badeeddeeda ay leedahay ay Soomaaliya kusoo bandhigtay, taasna ma ahan mid sax ah oo khariiradda la soo bandhigay waxay kaliya muujinee xuduud badeedka ay Soomaaliya u aragto in ay iyadu leedahay si waafaqsan mowqifka ay hore Soomaaliya uga qaadatay haddana ay gacanta ku heyso maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

“Soomaaliya waxa ay Kenya u caddeyneysaa in aan wax baaarid laga fulin doonin xuduud badeedka lagu mursansanyahay ilaa iyo inta ay go’aan ka gaareeyso maxkamaddu caalamiga ah ee caddaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warqadda ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu muujiyay sida Soomaaliya aysan ugu faraxsaneyn in Kenya ay dalkeeda ka soo saarto safiirkeeda iyada oo aan wax wadatashi ah lagala sameyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya waxa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer marmaba ma ahan in khilaaf yar uu wax u dhibo. Dowladda Soomaaliya waxay u caddeyneysaa dowladda Kenya in xiriirkii wali sidii yahay oo aan waxba iska badalin. Ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa shalay ku dhawaaqay in ay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya Lucas Tumbo dib ugu yeeratay, sidoo kalena dib u celisay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya kaddib markii ay sheegtay in xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay gayi badeedkeeda oo Soomaaliya ay shir ka dhacay London kusoo bandhigtay, sida lagu sheegay warka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa dhaxeeya muran ku saabsan xuduudeed baddeedka ay waddaan labada dal taasi oo ay dacwadeeda ka socoto maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague ee dalka Netherlands.